SOOMAALIYA


Caasimada: Muqdisho
Luuqada(ha) Looga hadlo: -Soomaali
- Madaxweyne: Shariif Shiikh Axmed
- Ra'iisul : Cabdi Wali Maxamed Cali‎
Ka xoroobey: Gumeysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga
- Taariikhda 1 Luuliyo, 1960

Area
- Total 637,661 km²
246,201 sq mi
- Biyo (%) 1.6

Cadadka Dadka
- 2010 qiyaas 9,359,0003

Lacagta Shillin Soomaali
Wakhtiga EAT

Soomaaliya (Carabi: الصومال‎ aṣ-Ṣūmāl) ama Jamhuuriyadda Soomaaliya (Carabi: جمهورية الصومال‎ Jumhūriyyat aṣ-Ṣūmāl) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa wadan ku yaalla Geeska Afrika oo deris la ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Sidii uu u bilowday Dagaaladii Sokeeye 1991, Soomaaliya ma lahayn dawlad dhexe oo wadanka oo dhan ka shaqaysa.Hadda waxaa Soomaaliya ka jira Dowlad federaal kumeel gaar ah oo caalamka aqoonsaday haseyeeshee aan weli awood u helin in ay wada hanato maamulka dalka, waxayna ku koobantahay caasimada Muqdisho. Dhibaatooyinka dagaal iyo khilaafka joogtada ah ee hareeyey siyaasadda Soomaaliya waxay sababeen in caalamku u aqoonsado Wadan Fashilmay, wadanka aduunka ugu saboolsan iyo wadanka aduunka ugu halis badan.

Waqtiyadii hore Soomaaliya waxay ahayd xarun ganacsi ahaan muhiim u ah aduunka waxaana raadraaca taariikhdu xusaysaa in dhulka hadda Soomaaliya loo yaqaan uu ka mid yahay aaggii Dhul Udug. Waqtiyadii dhexe waxaa Soomaaliya xoog ku lahaa imbaradooriyado ay ka mid ahaayeen Dowladii Ajuuraan, Saldanadii Cadal, Saldanadii Warsangeli, Saldanadii Geledi iyo Boqortooyadii Gobroon. Dhammaadkii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad waxaa Ingriiska iyo Talyaanigu soo galeen dhulalka xeebaha ah ee Soomaaliya halkaasoo ay ka asaaseen Dhulka Biritishka ee Soomaaliya iyo Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya oo loo kala baxshay dhulalkii ay qabsadeen. Dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday qabsashada gumeysiga waxaa ka mid ahaa Dawladdii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo afar jeer jebiyey Ingiriiska, haseyeeshee waxaa Daraawiishi jabtay 1920 markii Ingiriisku u adeegsaday diyaaradaha dagaalka, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo loo adeegsado diyaaro dagaal.Jabkii Daraawiishta ka dib, Talyaanigu wuxuu si buuxda ula wareegay qaybtii uu Soomaaliya ka gumeystay 1927, halkaas oo ay haysteen illaa 1941 ka dibna waxaa kala wareegay maamulkii millateriga ee Biritishka. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu ku sii nagaaday ilaalada Biritishka halka Koonfurtuna ay sugeysey madaxbannaani. 1960 waxaa labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur ku midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana xukunka qabtay dawlad shibil ah. 1969 waxaa afgenbi millateri xukunka kula wareegay Maxamed Siyaad Barre wuxuuna asaasay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Dawladdii Siyaad Barre waxay burburtay 1991, waxaana qarxay dagaal sokeeye.

Tan iyo 1991, ma jirin dawlad dhexe wada hanatay maamulka dalka inkastoo ay jireen dhowr iskuday oo lagu doonayey in lagu mideeyo dalka, haseyeeshee fashilmay. gobolda waqooyi waxaa ka jirta jamhuuriyada somaliland ee ka madaxbanaan somaliya inteeda kale walaw ay soomalidu xaqiiqada ka indho qarsadaan Gobollada woqooyibari waxaa ka jira ismaamul-goboleedka Puntland oo sheegtay inaysan ka go'in Soomaaliya. Qaybo badan oo koonfurta dalka ka mid ah waxaa koontaroolla Islaamiyiinta Al-Shabaab.

Markii dawlad dhexe la wayaaye, waxay dadka Soomaaliya ku nooli ku xalliyaan ismaandhaafkooda sharciyo hoosaad, sida shibil, sharciga Islaamka iyo xeer. Intii burburku ka jirey waxaa dhaqaalaha dalku ku tiirsanaa ilo aan caadi ahayn sida xoolaha nool, shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiinta.

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Postagem Anterior Próxima Postagem